Daawo: Jaamac oo xog ka bixiyay fadeexada Danab, “Rag waaweyn ayaa ku lug leh”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay fadeexadda musuq-maasuq ee hareysay taliska ciidanka Danab.

Wasiir Jaamac oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa xaqiijiyay in dhacdadan ay dhacday laba todobaad kahor, taasi oo lagu leexsaday raashinkii loogu tala-galay ciidamada Danab ee xoogga dalka, isaga oo qiray in loo iib geeyay suuqyada waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Jaamac ayaa sheegay in falkan ay ku lug leeyihiin saraakiil sar-sare oo ciidamada kamid ah, islamarkaana lasoo xiray, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Waxaa la xaqiijiyay in urur kamid ah guutada Danab raashiin loogu talagalay qayb kamid ah inay dad saraakiil ah si aan loogu talagelin u isticmaaleen,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya.

Wuxuu intaas kusii daray “Arrinkaas isaga ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waaxyihiisa kala duwan oo ku shaqada lahaa ayaa daba-galay waxayna ogaadeen in arrinkaas uu jiro, ayna dadkii ku dhex jiray shaqada toos loogu qabtay.”

Sidoo kale waxa uu ka hadlay tallaabada uu qaaday Mareykanka, isaga oo sheegay inay isla garteen in hadda kadib dowladda federaalka ay la wareegto raashinka ciidanka Danab, balse waxa uu tilmaamay in howlihii kale, sida shidaalka iyo taageerada uu sii wadi doono Mareykanka.

Dhankeeda dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u qiimeyn doonto xiriirka iyo iskaashiga kala dhaxeeya ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee Danab, kuwaas oo ay tababarto kadib fadeexad musuq-maasuq oo kusoo baxday.

Sarkaal Mareykan ah oo la hadlay Reuters ayaa sheegay in Washington ay dhammaan eedaha musuq-maasuqa u qaadaneyso si dhab ah.

“Waxaan rajeyneynaa inaan kala shaqeyno Danab abuurista ilaalinta lagama maarmaanka ah iyo tallaabooyinka isla xisaabtanka si looga hortago dhacdooyinka mustaqbalka ee saameyn kara kaalmadeena,” ayuu yiri sarkaalka u hadlay dowladda Mareykanka.

Fadeexaddan ayaa si weyn u hareysay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana isha lagu wada hayaa natiijada baaritaanka socdo iyo tallaabada ay qaado dowladda.

Hoos ka daawo wareysiga