Lix ka mid ah shaqaalaha HORMUUD oo la dilay iyo xogta sida loo beegsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax lala beegsaday gaari ay saarnaayeen howlwadeenno ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom.

Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-baalleey ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dhamaan shaqaalihii saarnaa gaariga oo gaaraya 6 qof.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in isla goobta uu ku basbeelay gaarigii ay wateen, shaqaalaha la qarxiyey ee Hormuud.

Wararka qaar ee la helayo ayaa xaqiijinaya in qaraxu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, taasi oo qabsatay gaariga.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa, maamulka Shirkadda Hormuudna wali kama hadlin dhacdadaan galaafatay lix ka mid ah shaqaalihii shirkadda.

Muddooyinkii dambe beegsi gaar ah ayaa lagu hayey shaqaalaha, gaadiidka iyo xarumaha shirkadda Hormuud, waxaana lagu qarxiyey dhowr goobood, shirkaduna kama hadasho arrimahaan.

Wararka ay dadku isla dhexmarayaan ayaa hadba koox u saarinaya beegsiga lagu hayo shirkadda, Al-Shabaab iyo Daacish ayaa lagu kala eedeynayaa qaraxyada loo geysto Hormuud.

Labada koox midkoodna ma sheegto weerarrada loo geysto Hormuud, dowladda iyo maamulka shirkadda Hormuud-na sidoo kale waa ay ka gaabsadaan inay ka hadlaan dhacdooyin soo noqnoqday ee shirkadda iyo shaqaalaheeda loo geysto.