Daawo: Wasiir Jaamac oo ka jawaabay muuqaal askar uu ka duubay oo la dhibsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka jawaabay eedeyn iyo hadal-heyn ka dhalatay muuqaal uu ka duubay askar tababar loogu diray dalka Turkiga, wasiirka ayaa muuqaalkaas ku baahiyey bartiisa TikTok.

Muuqaalkaas waxaa laga dhex arkay askarta oo wadata baco loo maleynayey inay dharkooda ku wataan, waxaana ka dhalatay hadal-heyn culus iyo caro dadweyne, maadaama ciidanka ay ku habooneed in dharkooda ay ku qaataan boorsooyin.

Wasiirka Gaashaandhigga oo wareysi siiyey TV-ga Universal ayaa ka jawaabay eedeynta dadweynaha, wuxuu sheegay in ciidanka uu muuqaalka ka duubay ee diyaaradda sii raacaayey ay bacaha ku wateen raashin bisil oo loogu talo galay inay diyaaradda ku dhex cunaan.

Ciidankaas oo ka tirsan Gorgor, waxay tababar dhowr bilood ah ku qaateen saldhigga TurkSom ee Muqdisho, waxayna safar u ahaayeen saldhigga labaad ee tababarrada ciidamada Gorgor ee magaalada Sparta dalka Turkiga.

Wasiir Jaamac oo ay ka muuqatay inuu ka careysnaa falcelintii dadweynaha ka weeraray bartiisa TikTok ayaa su’aashaaa uga jawaabay si caro leh, wuxuuna sheegay in ciidanku aysan marna raaxo ku jirin, mar xalad kastana aysan wax dhib ah laheyn in muuqaal looga duubo.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga ayaa dadka isticmaala baraha bulshada ka dalbaday inay joojiyaan sumcad xumeynta ciidanka, wuxuu ku dheeraaday sharaxaada sida askariga Soomaaliyeed ee naftiisa soo huray.

“War adigoo raadinaya in lagu daawado miyaad wax ka sheegeysaa qof ay suurtagal tahay in daqiiqado kadib uu dhinto, ka daaya ciidanka wararka sumac dilka ah ee aad ka faafisaan, uma qalmaan waxay noo soo hureen naftooda,” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa wareysigaan uu bixiyey uga hadlay arrimo badan oo xasaasi ah, kuwaas oo khuseeya dagaalka Khawaarijta, dhismaha ciidanka iyo xatooyo lagu sameeyey raashinka ciidanka Danab.

Hoos ka daawo wareysiga

Hoos ka daawo muuqaalka la dhibsaday

@maayaquus

Dhiiga cusub ee Gor Gor.

♬ original sound – Abdulkadir Mohamed Nur