Madaale oo loo gudbiyay soo jeedinta in dhismayaal badan la dumiyo + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta loo gudbiyay soo jeedin la xiriirta xal u halista caqabadaha biyaha roobka oo saameyn weyn ku yeesha caasimadda.

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka (SODMA) Maxamuud Macallim Cabdulle oo xafiiskiisa ku booqday guddoomiye Madaale ayaa la wadaagay soo jeedintan oo ah “in meesha laga saaro oo la dumiyo guryaha ka dul dhisan goobihii loogu tala galay in bullaacaduhu maraan,” si xal loogu heli caqabadaha ka dhasha roobka.

Kulanka labada masuul ayaa diirada lagu saaray xal u helidda caqabadaha soo laa-laabtay ee caasamidda, fududeynta howlaha gargaarka iyo u diyaar-garowga khatarta roobka gu’ga ee la saadaalinayo .

Sidoo kale waxaa kulanka si weyn loogu gorfeeyay sidii loo hagaajin lahaa bullaacadaha iyo biyo mareennada magaalada ee musiibada ku noqday bulshada, si loo fududeeyo nolosha iyo isku-socodka.

Labada dhinac ayaa dhanka kale waxay isla meel dhigeen muhiimadda ay leedahay in meesha laga saaro dadka horjoogayaasha ka ah xarumaha barakacayaasha ee u dhaxeeya deeq-bixiyayaasha iyo dadka nugul ee kaalmada u baahan iyadoo la adeegsanayo hay’adaha amniga iyo garsoorka dalka.

Iyaga oo sidoo kale ku balamay in loo diyaar-garowo daadadka xooggan ee la saadaalinayo in ay caasimadda ka dhacaan, kuwaasi oo inta badan saameyn ku yeeshay isku socodka gudaha magaalada, iyadoo biyaha buux dhaafiyaan laamiyada.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda ah ayaa xilliyada roobka waxay gashaa xaalad adag, ayada oo ay adkaato isku socodka gudaheeda, taasi oo maamulka gobolka Banaadir uusan illaa hadda u keenin xal wax ku ool ah.