Tuesday, July 28, 2026

Shir ahmiyad gaar ah u leh Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi + Sawirro

[new_author_name]

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka muhiim ah.

Shirkan oo ah midkii 21-aad ee hay’adda horumarinta Bangiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IDA, ayaa sidoo kale waxaa kasoo qayb-galay Wasiirada Maaliyadda dalalka qaaradda Afrika.

Shirka maanta oo ah heer Wasiir Maaliyadeed ayaa waxaa looga dooday qodobada muhiim ka u ah wadamada Afrika, si uu Bangiga Adduunka u maal-galiyo.

Qodobada ay soo saaraan wasiirada maaliyadda ayaa waxaa la hor dhigi doonaa kulanka kiisa xiga oo ah heer madaxweyne, kaasi oo sida qorshuhu yahay qabsoomi doona 29-ka April 2024-ka.

Shirkaan ayaa waxa uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dowladda Soomaaliya oo dhawaan ka gudubtay heerka deyn cafinta, doonaysana in ay hesho maalgalin caalami ah.

Dowladda ayaa maal-gelintada caalamiga u raadinaysa, si sare loogu qaado wax soo saarka gudaha iyo dib-u-habeynta maaliyadda, taasi oo qeyb ka qaadan karta kordhinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay horumar ka sameeynaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha, koboca dakhliga gudaha, ayada oo daba-yaqaada sanadkii hore ee 2023-ka si rasmi looga cafiyay deyntii uu caalamka ku lahaa.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60