Afar xujo weyn oo la hordhigay wasaarada gaashaandhiga iyo taliska ciidanka kadib…

Muqdisho (Caasimada Online) – Fadeexad weyn ayay dhex taalla wasaaradda gaashaandhiga ee Soomaaliya.

Gaadiid lagu sido raashin ay lahaayeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo la beecinayo ayaa bartamaha caasimadda lagu qabtay dhawaan, taas oo dhalisay in dowladda Mareykanka ay joojiso bixinta raashinkii ciidanka Danab.

Guddiga difaaca ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo fara-geliyay dhacdadan ceebaysay ciidankii dowladda iyo wasaaradda gaashaandhiga.

Qoraal ay shalay soo saareen iyaga oo ka duulaya qirashadii wasaaradda gaashaandhiga ee xatooyadii garaamka ciidanka Danab, ayuu guddiga difaaca ee baarlamaanka waxa uu sheegay inay ayaan-darro weyn tahay xatooyadda lagu sameeyay raashinkii ciidanka, waxayna ku tilmaameen mid dhabar jab iyo niyad-xumo ku rideysa wiilasha iyo gabdhaha u taagan difaaca dalka.

Afar xujo oo culus ayaa la hordhigay wasaaradda gaashaandhiga ee Soomaaliya iyo taliska ciidanka xoogga dalka kahor inta aysan Khamiista hortagaan guddiga difaaca ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waa afar ay adag tahay inay aqbalaan, balse haddii ay diidaan madaxda sare ku qasbi doonta inay tallaabo qaadan ama ay dhinacooda ka qaatan masuuliyadda xatooyadda.

1. Cidda sameysay musuqaan sababay in Mareykanka uu jarto raashinkii ciidanka Danab

Wasaaradda gaashaandhiga iyo taliska xoogga waxaa la weydiistay inay soo gudbiyaan magacyada shaqsiyaadka, natiijada haddii ay baaris sameeyeen iyo haddii ay jiraan dad loo xiray intaba.

Keenista magacyada dadka dhabta ah ee musuqaan ku lugta leh waa ku adkaan doonta wasaaradda gaashaandhiga, maadaama ay jiraan warar sheegaya inay dad madax ah ku lug leeyihiin falkaan foosha xun.

Haddii ay wasaaradda diido inay keento magacyada, ma cadda waxa uu yeeli doono baarlamaanka Soomaaliya iyo dhinaca kale tallaabad ay qaadi doonaan madaxda sare ee dowladda.

Wasaaradda gaashaandhiga qoraalkeeddii hore kuma sheegin in dad la xiray, balse xubno kamid ah taliska xoogga dalka waxay sheegayaan inay jiraan dad xiran.

2. Qorshaha ay wasaaradda gaashaandhiga kula wareegayso masuuliyadda bixinta raashinka Danab

Maadaama la ilaalin waayay midkii deeqda ahaa oo laga iibsaday suuqyada waa muhiim in helaa qorshaha cusub ee bixinta raashinka iyo kalsoonida lagu qabi karo gacmaha wasaaradda gaashaandhiga.

3. Sababta dowladda Imaaraadka u jaratay mushaarkii iyo saadkii ay siin jirtay ciidanka

Arrintan oo horey loo sheegay inay musuq la xiriirto ayaa guddiga difaaca ee baarlamaanka weydiiyay wasaaradda gaashaandhiga haddii ay jiraan dad u eedeysan arrintaas.

Sidoo kale waxaa hortaalla sida laga yeelayo ciidankii ay dowladda Imaaraadka gacanta ku hayn jireen ee ay ka goosteen.

4. Sida loo bixiyo qandaraasyada raashinka iyo kuwa saadka ee dhamaan ciidanka xoogga dalka

Qodobka afaraad ayaa ah midda ugu muhiimsan, lagana yaabo inay sababto in wasaaradda diido la xisaabtanka baarlamaanka. Qodobkan waa ku adkaan doona wasaaradda gaashaandhiga, maadaama qandaraasyada raashinka iyo saadka ciidanka sifo sharci darro ah oo aan loo tartamin lagu siiyay dad madax ah iyo ehelkooda.

Haddii ay wasaaradda aqbasho inay afartaan arrimood ka jawaabto oo ay baarlamaanka iyo umadda Soomaaliyeedba si dhab ah ugu sharaxdo wax badan ayaa u hagaagi doona ciidanka xoogga dalka, oo waxaa laga daba-tagi doona musuqa, dowladdaha caalamiga ahna waxay heli doonaan dariiq sax ah oo ay kusii caawiyaan ciidanka xoogga, dowladda Soomaaliyeedna sumcadeedii ayaa kusoo laaban karta.

Laakiin haddii la diido in su’aallahan si sax ah looga jawaabo waxaa ka dhala doonta niyad-jab ciidan, taageero la’aan caalami ah iyo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh oo sii dhex dabaalata badweynta musuq-maasuqa.