Sawirro: Ujeedka saraakiil ka socda Masar oo XAMAR ku sugan iyo kulan dhacay maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socda dalka Masar, kuwaasi oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Soo dhaweynta saraakiishan waxaa goobjoog ahaa Taliye ku-xigeenada Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) iyo S/Guuto Zakia Xussen Axmed iyo hogaannada ciidanka.

Ujeedka socdaalka wafdigaan ka yimid dalka Masar ayaa la xiriira casuumaad uu u fidiyay Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, sida  uu shaaciyay taliska ciidanka booliska Soomaaliya.

Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa saraakiishan uga mahad-celiyay aqbalaada casuumaadii uu u fidayay, isaggoo sidoo kalena ku amaanay garab istaaga ay u sameeyeen ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Saraakiisha ka socday dalka Masar ayaa dhankood bogaadiyay horumarka ay ku tallaabsadeen ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay xuseen in ay ciidanka booliska Soomaaliyeed ka taageeri doonaan tababara, xirfadaha iyo guud ahaan horumarada ciidanka.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Masar ayaa leh xiriir diblumaasiyadeed wanaagsan, ayada oo Muqdisho dhawaan la gaartay heshiis iskaashi xukuumadda Qaahira, xilli ay xiisad xoogan kala dhaxeyso Addis Ababa.