Arrin cusub oo beddeshay cabashadii amniga ee Muqdisho – Warbixin

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho, magaalo la aaminsan yahay inay ku nool yihiin wax ku dhow saddex meelood meel dadka xilligaan ku dhex sugan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Muddo fog cinwaankeeda ugu weyn waxa uu ahaa amni. Dadka jooga iyo kuwa looga shakeeyo caasimadda intaba waxaa muhiim u aheyn inay maqlaan ama arkaan sheekooyin la xiriira nabadgelyada magaalada Muqdisho.

Dhaliisheeda ugu badan waxay aheyd amni darro. Magaalo argagixisada ku dhex milantay, calooshood u shaqeystayaal hubeysan dhex dhooban yihiin oo dhibaatada ka dhowdahay ayay dad badan ugu suntaneed.

Hadda waxaa si weyn isku beddelay mowduuca magaalada Muqdisho. Waayihii dambe dadka waxay ka hadlayaa mowduucyo kale sida; isbeddelka xagga dhaqaalaha, nadaafad darro iyo biyo ay magaalada dhigeen roobabka mahiiganka ah ee ka da’aya gudaha dalka.

Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa si weyn loo dhalleeceeyay dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay. Dadka qaar ayaa soo jeediyay in dowladda u baahan tahay inay ka fikirto isbeddel maamul oo Muqisho ah.

Marka aad eegto waxa maamulka gobolka Banaadir lagu haysto waxay dhamaan u muuqdan kuwo maangal ah. Haddii aad isweydiinayso isla xilligaan xal waara ma keeni kara? Jawaabta waa Maya.

Laakiin waxaa lagu haystaa Madaale iyo maamulkiisa maadaama biyo fariisinida iyo nadaafad darrada muddo soo jirtay waxa uu maamulka gobolka ula imaan waayay qorshe lagu gaari karo xal waara.

Sida ay Muqdisho u taallo maanta, tirada dadka ku nool, miisaanka caasimadnimada iyo culeyska canshuurta laga qaado dhamaan waa kuwo aad isku diidaya.

Maamulka gobolka keliya uma baahna isbeddel qofeed, waa in hab fikirka soo jireenka ah la beddelo, dowladda dhexe ay ahmiyad siiso caasimada oo aan hadafkeeda lacag u noqon, oo dadkeeduna ay is-xilqaam iyo isla xisaabtan la yimaadan.

Culeyska magaalada yaalla xilligaan ee ay keeneen daadaadka ka dhashay roobabaka waa kuwo aan la dafiri kari. Marwalba oo isku socodka adkaado, oo ay waddooyin badan biyo xiraan, waxaa dhinaca kale qaali noqonaya maciishada iyo gaadiidka dadweynaha, waxaana dhinaca kale ka dhalan kara falal amni darro ah.

Marka dhinaca kale laga istagao in mowduucii weyna ee amniga isbeddello oo ay dadka aaminaan in amniga wax badan laga qabtay, beddelkeedana ay tahay in xal loo helo biyaha waddooyinka xiray iyo nadaafad darrada, waa arrin cadeynaysa sida laamaha amniga ee dowladda u shaqeeyeen 18 billood ee lasoo dhaafay.

Dowladnimo, waa in cabashada markaa taagan xalkeeda la wajaho. Iyada oo ay muhiim tahay in dowladda lagu bogaadiyo sida ay mowduucii geerida ugu beddeshay maad waddooyinka biyaha ka qaadan, haddana waa in taas laftigeeda xal deg deg ah loo helo oo la dhiso qorshe dhameystiran iyo dad u qalma inay hirgeliyaan.