Arrin cusub: Sidee ayey xogta dalka Qadar ku gaartaa xulafada Sacuudiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qadar ayaa shaaca ka qaaday in dalkeeda ay ka sifeyn doonto dhammaan xubnaha looga shakisan yahay inay u basaasan dalalka qeybta ka ah xulafada Sacuudiga.

Wasiirka arimaha dibadda ee Qadar Mohammed Bin Abdulrahman Al-thani, ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu magaalada Doxa kula qaatay qaar kamid ah Saraakiisha Hay’adaha amaanka.

Al-thani, waxa uu tilmaamay inay jiraan shaqsiyaad dhowr ah oo lagu helay kiis ku aadan basaasida Qadar, waxa uuna tilmaamay inay qaadi doonaan talaabo lagula dagaalami doono shaqsiyaadka ceynkaasi ah.

Wasiirka waxa uu carab dhabay in shaqsiyaadka qaar ee lagu helay kiiska basaasida Qadar ay yihiin kuwo kasoo kala jeeda dalalka Sacuudiga iyo Masar, oo iyagu ku dheereeya dhanka basaaska.

Wasiir Al-thani, waxa uu ballanqaaday in muddo kooban lagu soo afmeeri doono dagaalka ay la gali doonaan kuwa ku shaqeysta wardoonka ee sida tooska ah u basaasa Qadar iyo amuuraheeda.

Geesta kale, Al-thani waxa uu Saraakiisha Hay’adaha amniga ku wargaliyay inay isha la raacan dadka ku dhex jira Qadar ee macluumaadka ka iibsada xulafada Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com