Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Khatumo ayaa shaaca ka qaaday in faragalin ba’an lagu hayo wadahadalka kala dhexeeya maamulka Somaliland.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar oo la hadlaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo kamid ah BFS uu faragalin qaawan ku hayo Hanaanka uu u socdo wadahadalka kala dhexeeya maamulka Somaliland.
Guddoomiyaha waxa uu sheegay in Xiddig uusan faragalin wadahadalka mudadii uu ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arriamaha Gudaha, balse hadda uu tashkiilin ku hayo xubno ka tirsan wadahadalka Khatumo iyo Somaliland oo ay xiriir wadaagan.
Waxa uu sheegay inuu ka shaqeynaayo in la fashiliyo wadahadalka waxa uuna cadeeyay inay jiraan shaqsiyaad kale oo ku wehlinaaya faragalinta balse uu ugu weyn yahay Xildhibaan Xiddig.
”Xiddig waxa uu gabay howshii uu u hayay Qaranka shaqsi sidaa ah ayaa hadana isku dayaayo inuu fashiliyo wadahadalka ka dhexeeya labada maamul waxaan DFS ugu baaqeynaa inay wax ka qabato Xiddig”
Sidoo kale, waxa uu carab dhabay in wadahadalka uu xili hore ahaa in lasoo gabagabeeyo balse uu dib u dhaca sababay Xildhibaan Xiddig oo ka dhex shaqeynaaya labada dhinac, sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba ha ahaatee, faragalinta Xildhibaan Xiddig ayaa kusoo beegmeysa xili faragalin ceynkaasi ah uu ku hayo Dowlada Federaalka Somalia, iyadoo ay xusid mudan tahay inuu adeegsanaayo Xildhibaano ku cusub saaxada Siyaasada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]