Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxayaa warar kala duwan oo ku saabsan doorashada Somalia iyo cida ku guuleysan doonta kursiga uu hadda ku fadhiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Doorashada ayaa waxaa ku loolamaaya Musharaxiin kala tayo badan, waxaana jira kuwo aan awoodin xitaa inay iska bixiyaan boorarka xayeysiinta oo qeyb ka ah olola socda.
Musharaxiinta ugu miisaanka culus ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha Somalia, oo dhaqaale aad u xoogan ku bixinaaya dib u soo laabashadiisa.
Dadka u dhuun daloola Siyaasada ayaa qaba in Madaxweyne Xasan uu doonaayo inuu kusoo baxo doorashada, haddii ay dhacdo in laga guuleysto uu sameyn doono foodo iyo isticmaalida awooda ciidamada.
Waxa ay qabaan in Madaxweyne Xasan uu adeegsan doono awooda ciidamada, waxa ayna tilmaamen in iminkaba uu diyaarsanaayo ciidamo gaara.
Muuse Xaaji Suleymaan oo kamid ah Saraakiishii hore kana soo jeeda Gobolka Gedo, balse iminka jooga magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu iminka muujinaayo awoodiisa, waxa uuna farta ku goday inuusan ku qanci doonin Natiijo uusan ku farxin.
”Wey muuqataa inuu adeegsanaayo awooda ciidanka haddii laga guuleysto waayo waxaa laga dheehan karaa qaabka uu u jeedinaayo khudbadaha waxaana igu maqaal ah inuu diyaarsaday ciidamo gaara”
Aadan Nuur Ciyow oo kamid ah Odayaasha magaalada Muqdisho ee dhawaan kasoo laabtay magaalada Cadaado, ayaa sheegay in dhowr kulan oo isaga iyo Odayaal kale la qaaten Madaxweynaha ay la kulmeen hanjabaado uu Xasan Sheekh ku muujinaayo dib usoo laabashadiisa.
Aadan Nuur waxa uu tilmaamay in Madaxweyne Xasan uu si cad u sheegay in mar kale uu qabsan doono talada dalka, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaysan u muuqan cid hor istaagikarta.
”Wali ma arag kulan kaas lamid ahaa waayo isagoo Madaxweyne ah ayuuba ku goodiyay inuu adeegsan doono maskax iyo awood, marka ma filaayo inuu gacmaha kal laaban doono”
Madaxweyne Xasan Sheekh oo waayadani lasoo baxay ad adeeg ayaa u muuqanaaya in xitaa xiliga doorashada uu isticmaali doono awood.
Madaxweyne Xasan ayaa dhowr jeer ku celcelshay inuu ku hanweyn yahay in mar kale uu noqdo Madaxweynaha Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]