25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Arrinta uu shaaca ka qaaday Salaad Cali Jeelle ee uu Xasan Sheekh ku dhaqaaqay oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasmada Online) – Salaad Cali Jeele oo kamid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay Doorashada Aqalka Hoose ee wali ka socta Gobolada dalka qaarkood.

Salaad Cali Jeele ayaa sheegay inuusan waligii arag Musuq-maasuq lamid ah kan lagu dooranaayo Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Doorashadooda ay ka socto Gobolada dalka.

Salaad Cali waxa uu tilmaamay in Musuq-maasuq bilow ilaa dhamaad uu ka imaaday Madaxweynaha Somalia, waxa uuna Cadeeyay in Xasan Sheekh uu ku fogaaday Musuq-maasuqa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu sheegay in lacago fara badan uu ku bixiyay kuraasta qaar ee xildhibanada cusub waxa uuna tilmaamay in lacagahasi ay yihiin hantidii qaranka, Sida uu hadalka u dhigay.

”Xasan Sheekh waxa uu isku darsaday Boob iyo wakhti dheereysi waxaan Xildhibaanada uga digayaa inay kalsooni siiyaan Xasan Sheekh”

Si kastaba ha ahaatee, Salaad Cali Jeele ayaa ku baaqay in Xildhibaanada cusub ay ka fogaadan inay doortan Musharaxiinta danbiyada Qaran dalka ka galay.

Caasmada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News