Arsenal oo Janaayo diirada u saaran tahay sedax weeraryahan.

Arsene Wenger ayaa diirada saaran doona Janaayo marka uu suuqu furmo weeraryahanka Manchester City Edin Dzeko ka dib markii uu lasoo baxay waayo mucjisa leh si uu ugu cusbooneysiiyo weerarkiisa uu kala qeyb  galayo usoo bixitaanka Champions League.

Gunners ayaa dhibaato ka heysataa dhanka weerarka iyadoo cabsi laga qabo inay sanadkaan ka mid noqon weydo afarta koox ee ugu sareysa England Premier League, waana sababta ay u doonayaan inay dhiig cusub kusoo daraan kooxda. Wenger ayaana doona inuu si qaas ah isaga dhiso dhanka weerarka.

Tababaraha Faransiiska ah ayaa diiradu u saaran tahay sedax weeraryahan, Dzeko oo uu doonayo inuu kasoo wato Sky Blue, weeraryahanka Athletic Bilbao Fernando Llorente oo diidan inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa iyo weeraryahanka Atletico Madrid Adrian Lopez ayaa sidoo kale ku jira liiska ninka reer France.

Arsenal ayaa sidoo kale 9 milyan ku dalban doonta ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Crystal Palace Wilfried Zaha. Balse gudoomiyaha Palace Steve Parish ayaa xidigaan ku qiimeeya 20 milyan oo ginni waxaana la rumeysan yahay inay 15 milyan noqon karto qiimo ku filan kooxda Championship-ka.

W/Q: Ahmed jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.