Askar ka tirsan howl-galka AMISOM oo qarax lagu dilay

Marka (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday qarax oo lagu qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo ku socdaalayey qeybo ka mid ah gobolka Sh/ Hoose.

Qaraxa oo ahaa noocca miinada ayaa waxaa ciidamadaasi lagula eegtay inta u dhexeysa deegaanka Shalanbood iyo degmada Marka ee xarunta gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada qaraxa lala bartilmaameedsaday oo ah kuwa Uganda uu ka soo gaaray khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi ayaa shaacisay inay ku dishay illaa labo askari oo ka mid ah miino baarista ee ciidamada AMISOM.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo kuwa AMISOM oo ku aadan qaraxaasi.

Dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan qaar ka mid ah gobollada dalka ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada huwanta xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.