Ehelka Galeyr oo codsaday in la baaro sababta geeridiisa

Jig-jiga (Caasimadda Online) – Cali Khaliif Galeyr oo mar Soomaaliya kasoo qabtay xilka ra’iisul wasaaraha ayaa isagoo 78-jir ah ku geeriyooday magaalada Jig-jiga ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Masuuliyiinta maamulka waxey sheegeen in marxuumka uu u geeriyooday sabab la xiriirta xanuunka COVID19, balse waxaa jirtay hadal heyn kale oo ah in cunto lagu sumeeyay.

Iyadoo ay taasi jirto ayey ehelka Marxuumka codsadeen in baaritaan lagu sameeyo xilli lagu aasayo maanta magaalada Muqdisho.

“Waxaan codsaneynaa in la baaro, baaritaanka dambe waxaa looga sameynayaa meesha loo qaadayo ee ay macquulka noqoto in lagu aaso” ayuu yiri Mukhtaar Xaamud u sheegay warbaahinta ka hor intaan lasoo qaadin meydka.

Mukhtaar wuxuu aaminsan yahay in cunto lagu sumeeyay, isla markaana aysan aheyn wax la aamini karo inuu u geeriyooday Covid19.

“Caloosha ayaa laga qabtay, wuu shubmay, wuu fuuq baxay, isaga ayaa noo sheegay inuu in cunto ay sababtay xanuunkiisa, cunta waxa ay tahay? meesha uu ka cunay? lama gelin, waan fududeysanay, waxaan is laheyn wuu ka bogsoon doonaa”