Askar Kenyan ah oo QARAX lagu dilay iyo qaar la la’yahay

Nairobi (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya maanta lagula eegtay qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bare ee dalkaasi, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa haleeyay baabuur ay la socdeen afar askar oo ka tirsan Booliska Kenya oo xilligaas marayey waddada xiriirisa  Gaarisa iyo xeryaha Qaxootiga Dhahaab, sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa kadib ay rasaas xoogan fureen ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa Booliska ee ku sugan xadka Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan la askari, halka labad kalena la la’yahay, halka cirib iyo jaan ay dhigeen qaraxa kadib.

George Seda, oo taliyaha ciidanka Booliska ee gobolka Waqooyi Bari, ayaa xaqiijiyay jiritaanka weerarkan, wuxuuna ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in haatan ay wadaan howlgallo balaaran, isla-markaana ay baadi goobayaan labada askari ee la waayey wuxuuna sheegay in qaraxa lagula beegsaday deegaan lagu magacaabo Hagarbul oo ku yaal inta u dhaxeysa Xerada Dhabaab & Gaarisa

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmo kahor qarax ka dhacay isla waddadaan lagu dilay saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Kenya.

Waxaa sidoo kale ka horreeyay qarax kale oo ka dhacay isla duleedka Gaarisa, kaas oo isna lagu dilay 4 qof oo ay ku jireen injineero ka tirsanaa maamulka Wadooyinka Kenya.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gudaha Kenya, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa ciidamada ammaanka ee dalkaasi