Askar ka tirsanaa ciidanka BURUNDI oo qarax lagu dilay

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada ka tirsan howlgalka ATMIS ex AMISOM, gaar ahaan kuwa Burunti weerar qarax ah lagula eegtay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa ciidamadaasi lagula beegsaday deegaanka Buurane oo hoostaga degmada Mahadaay ee Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga la qarxinayey ciidamada Burundi ay ku jireen howlgal roondo ah, isla-markaana ay la kulmeen weerarkaas oo ay sheegatay Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa kadib furay rasaas xoogan, waxaanba daba socday howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Buurane, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Qoraal ay baahisay kooxda Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay qaraxaas ku dileen laba askari oo ka tirsanaa ciidamada Burundi, sidoo kalena ay  burburiyeen gaari dagaal.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha howlgalka ATMIS ee ku aadan weerarkaas ee ay guulaha ka sheegatay kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Muddooyinkii lasoo dhaafay xoogaga Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka, gaar ahaan beegsiga ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS, ex AMISOM.