Garoowe (Caasimada Online) – Faah-faahinnoo dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa askar ka tirsanaa ciidamada Puntland oo maanta dil iyo dhaawac loogu gaystay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kadib shaqaaqo ka dhacday gudaha magaaladaasi.
Falkan oo sababay dhimashada laba askari iyo dhaawaca laba kale oo ka tirsan ciidamada dowladda hoose ee degmada Garoowe ayaa la sheegay inuu gaystay askari kale oo kamid ah ciidanka ilaalada nabad-gelyada waddooyinka, kaas oo ay is qabteen ciidamada.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in askariga dilka gaystay uu ka carooday mooto Bajaaj ay ka xareeyeen ciidanka dowladda hoose, kadibna uu rasaas ku furay gaari ay wateen ciidamadaasi, taas oo sababtay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in askariga dilka geystey uu horay usii qaatay qorayga mid kamid ah “askarta uu dilay” isla markaana uu ka baxsaday goobta uu falka gaystay.
Ciidamo ka tirsan booliska ayaa si deg-deg ah goobta u gaaray, waxaana haatan socda baaritaanno dheeraad ah oo lagu baadi goobayo eedeysanaha, si cadaaladda loo horkeeno.
Falkan ayaa argagax ku reebay dadka deegaanka, maadaama dilka uu ka dhacay bannaanka hoe ee xarunta Taraafikada gobolka Nugaal, halkaas oo ay ku sugnaayeen shacab badan, isla markaana la kulmay dhacdadaan sababtay dhimashada iyo dhaawac.
Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Puntland oo ku aadan falkan, waxaase weli soconayo baaritaano oo marka ay soo dhammaadaan kadib la faah-faahin doono.
Garoowe ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal iyo isku dhacyo ciidamada dhexdooda ah, kuwaas oo sababa khasaare kala duwan, waana arrimo marar badan soo laa laabtay.

