Sawiro: Askar Muqdisho lagu qisaasay

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa saakay lagu qisaasay seddax askari oo ka tirsan ciidanka xooga dalka.

Seddaxda askari oo lagu toogtay fagaaraha dugsiga tababarka ciidamada booliska ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa fuliyay kooxda toogashada u qaabilsan maxkamadda ciidanka qalabka.

Askartan ayaa horrey waxaa fal dil ah ugu xukuntay maxkamadda ciidanka qalabka sida kaddib markii ay lagu helay dambi ah in ay si bareer ah u direen askar ciidanka dowladda ka tirsan iyo wariye ah.

1

Dad badan ayaa daawaday toogashada oo ka dhacday fagaaraha dugsiga tababarka ciidamada booliska ee magaalada Muqdisho.

Ragga la toogtay ayaa labo ka mid ah waxay ka tirsanaayeen ciidamada milateriga ee dowladda, halka askariga saddexaad uu ka tirsanaa ciidanka dowladda hoose ee caasimadda.

Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida Col. Liibaan Cali Yarow oo goobta ka hadlay qisaasta kaddib ayaa fariin u diray ciidamada dowladda ee dadka shacaba dhiba, waxaana uu sheegay in askari kasta ee dadka dhiba in la marsiin doono waxa sharciga uu qabo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamadda ciidanka qalabka sida ay dil toogasho ah ku rido askar lagu eedeeyay falal sida dil iyo kufsi.

3

DSC03447

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com