Askarigii Muqdisho ku dilay Sacad Cabdi Muse oo xukun adag lagu riday maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka 3-aad ee Abuu-dujaana, kaas oo dil ka gaystay Timo-jare ku yaalla Muqdisho.

Maxkamadda ayaa ninkan ku heshay dilka Allaha u naxariistee marxuum Sacad Cabdi Muuse, kaas oo dhacay Seddexdii Bisha Afaraad ee Sanadkaan 2024-ka.

Dilka ayaa yimid kadib muran ka dhashay dhinaca kala horreynta timo jaraha, sida ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada oo soo gabagabeysay kiiska ninkan.

Daa’uud aayaa la xukumay dil toogasho oo ah qisaasta marxuumka dilay, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Halkan hoose ka akhriso warsaxaafadeed ay soo saartay maxkamadda:-

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka 3-aad ee Abuu-dujaana ayaa loo heystay in uu dil bareer ah u geystay marxuum Sacad Cabdi Muuse, inuu baxsad ka ahaa goobtiisa shaqo oo ah Deegaanka Shabeeloow Gobolka Galgaduud, lunsasho hanti dowladeed, Qalgal gelin Goob ganacsi, Xatooyo Xoolo Ciidan iyo Jabin Xeerka xakameynta hubka caasimadda.

Seddexdii Bisha Afaraad ee Sanadkaan 2024 kaliya muran dhinaca kala horreynta timo jare ayaa keenay in Eedeysane Daa’uud Bashiir uu madaxa xabad kaga dhufto marxuum Sacad Cabdi Muuse, Falkaan ayaana ka dhacay Degmadda Dharkenleey ee gobolka Banaadir.

Todobada bisha shanaad ee sanadkaan 2024 Maxkamdda Darajada kowaad ee Ciidamda Qalabka Sida oo Dhageysatay kiiskaan waqti ku Filanna siisay dhinacyada dacwada ayaa ugu danbeyn Maanta oo ay taariiikhdu tahay sideed iyo Tobanka Bisha May ee 2024 Ku xukuntay Dable Daa’uud Bashiir Coloow Dil toogasho oo ah qisaastii marxuum Sacad Cabdi Muuse.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.