Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dibad bax looga soo horjeedo askari ka tirsan dowladda oo wiil caseeye ah ku dilay isgoyska Zoobe.
Haween iyo dhallinyaro careesan ayaa dibad bax ka dhigay afaafka hore ee xarunta dambi baarista CID, waxaana ay ku dhawaaqayeen hadallo ka dhan dowladda, iyo in la soo xiro askariga dilay wiilka caseeya ah.
Intaa kaddib waxaa goobta soo gaaray ciidamo kuwaasoo soo qabtay askariga dilay wiilka caseeya, waxaana lagu xiray xarunta CID-da sida uu sheegay goobjooge.
Dhacdadan ayaa waxa ay noqotay mid aad looga hadalhayo maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga Zoobe oo meel aad u camiran.
Dadka dibad baxayay ayaa gooyay wadooyinka, waxaana ay hakad galiyeen baabuurta dadweynaha iyo kuwa gaarka loo lee yahay oo aad u isticmaala isgoyskaas.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho