Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska AMISOM ee Somalia ayaa musaafuriyay Askari u dhashay dalka Burundi oo qeyb ka ahaa Hawlgalka AMISOM, kadib markii lagu soo oogay danbi sharci jabin ah.
Askarigaani oo lagu magacaabayay Niyonkuru Leon ayaa lagu eedeeyay inuu ka weecday Sharciga u degsan Taliska AMISOM, waxaana la sheegay in dacwadiisa ay tahay in magaalada Muqdisho uu ku dhexmaray Gaari nooca raaxada ah isagoo aan wadan wax ilaalo ah.
Niyonkuru Leon ayaa loo musaafuriyay dalkiisa waxa ayna Saraakiisha AMISOM sheegen in iminka laga dajiyay Garoonka Diyaaradaha ee Bujumbura.
Gaspard Baratuza oo ah Afhayeenka Ciiddanka Burundi, ayaa sheegay in Askarigaasi uu jabiyay sharciga isla markaana lagu maxkamadeyn doono dalkiisa.
Afhayeenka waxa uu sheegay in Askarigaasi xabsi la dhigi doono ka hor inta aan la maxkamadeyn, waxa uuna cadeeyay in marka hore uu halis galiyay naftiisa, marka xigtana uu ka weecday Sharciga.
Mr Gaspard Baratuza waxa uu intaasi ku daray inuu Askariga ogaa inay mamnuuc tahay in Askari keligiisa uu gaari ku kaxeeyo gudaha iyo daafaha magaalladda Muqdisho sababo dhinaca Ammaanka.
Gaspard Baratuza, waxa uu intaa kusii daray inaysan Ciiddanka AMISOM iyo Ergadda Beesha Caalamka fasax u qabin inay keligooda gaari ku dhex wataan gudaha magaalladda Muqdisho.
Inta badan dadka ayaa aad ula yaaban go’aanka lagu maxkamadeynaayo Askarigaani maadaama inta badan magaalada Muqdisho ay tahay mid amni ah.
Lama oga talaabada ay Dowladaasi ka qaadi doonto Askarigaani la sheegay inuu ka weecday sharciga isla markaana halis galiyay Naftiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]