Kheyre: Ma ahan in baarlamanka iyo dowladda ay isku milmaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay qorshaha uu doonayo inuu wax ka qabto muddada uu hayo xilka ra’iisul wasaaraha dalka.

Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in xukuumadiisa ay noqon doonto mid ka duwan xukumadihii dalka Soomaaliya soo maray, wuxuuna sheegay inuu diyaaru yahay isla xisaabtan dhab ah.

Isaga iyo madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayuu sheegay inay ka mideysan yihiin in dalka iyo dadka SOomaaliyeed loo shaqeeya oo aan laga shaqeysan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in wasiirada uu soo dhisayo ay noqon doonaan kuwo diyaar u noqda in lagula xisaabtamo musuq haddii ay sameeyaan.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay awoodaha iyo isku dhex yaaca ka dhex jira hay’addaha kala duwan ee dalka, wuxuuna tusaale usoo qaatay baarlamaanka.

Wuxuu sheegay in baarlamaanka Soomaaliya shaqadooda tahay inay ku fakaraan subax walbaa sidii sharciyo adag oo meel mara ay ugu sameyn lahaayeen dalka Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii loo qancin lahaa hay’addaha cadaalada dalka Soomaaliya, si looga gun gaaro musuq maasuqa dalka iyo sidii loo dhameyn lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com