Askari ka tirsanaa ciidamada Jabuuti oo lagu dilay Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidanka AMISOM gaar ahaan qeybta Jabuuti ayaa goordhaw lagu toogtay bartamaha magaalada Buula-barde ee gobalkaasi Hiiraan.

Dilka Askarigaani ayaa waxaa fuliyay maleeshiyaad hubeysan, xilli uu dhax socday bartamaha magaalada, waxaana goobta ka baxsaday maleeshiyaadka.

Askarigaani ayaa dhowr xabo looga dhuftay qeybaha sare ee jirka waxaana la xaqiijiyay inuu ku naf waayay isla goobta.

Dilka kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan AMISOM, gaar ahaan Jabuuti oo halkaa ka qaatay meydka Askarigooda, waxa ayna halkaa ku xireen ilaa laba Askari oo looga shakiyay dilka.

Taliska ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaan wali ka hadal dilka Askariga waxaana socda baaritaan lagu xaqiijinaayo dilka.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyada dilka Askariga kasoo jeeda dalka Jabuuti.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com