Askari wiil BAJAAJLE ahaa ku dhaawacay Muqdisho oo xabsiga lagala baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Aabe Soomaaliyeed ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in cadaaladda la horkeeno askari dhaawac halis ah u geystay wiilkiisa, oo markii la xiray kadib lagala baxay xabsiga.

Mukhtaar Ciid Miiney, oo la xiriiray idaacadda Goobjoog wuxuu sheegay in wiilkiisa oo wadey Mooto Bajaaj Lixdii bisha March lagu dhaawacay degmada Shibis, balse askarigii dhibka geystay laga sii daayey saldhiggii lagu hayey iyadoo aan cadaaladda la marin.

Wuxuu tilmaamay in sidoo kale, askarigaasi uu dhaawacay maalintaasi Labo qof kale, balse shaqsi uu sheegay in xil sare uu ka hayo Booliiska uu sii daayey askarigaas oo ku xirnaa saldhigga degmada Yaaqshiid, islamarkaana shaqadiisa uu hadda si caadi ah u wato.

Madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka iyo taliska Booliiska ayuu ka dalbaday in cadaalad uu helo wiilkiisa.

Halkaan hoose ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com