27.9 C
Mogadishu
Friday, February 13, 2026

Askarigii dilay BIN LADEN oo xabsiga la dhigay!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada Gaashandhiga Mareykanka ayaa xabsi dhigtay Askarigii sheegay in gacantiisa uu ku dilay Usama Bin laadin.

Askarigaani la xiray ayaa waxaa lagu magacaabaa Robert O’Neil kaasi oo ka tirsanaa Ciidamadii ka qeybqaatay howlgalkii lagu dilaayay Usama Bin laadin.

Askarigaani ayaa la xiray xili uu sarqaan-sanaa islamarkaana ag jiifay gaari uu isaga lahaa kaasi oo yiilay meel aan munaasab aheyn.

Robert O’Neil waxa uu sheegay inuusan aheyn mid isticmaala maan-dooriye, balse taasi badalkeeda waxa uu tilmaamay keliya inuu saa’id u isticmaalo dawada ka hortagta hurdada.

Mr Robert O’Neil waxa uu qaadacay inuu cabsanaa waxa uuna taasi bedelkeeda ogolaaday inuu bixiyo dhaqaale si looga dul-qaado culeyska, waxa uuna Saldhiga ku bixiyay dhaqaale lagu sheegay ilaa $685, sida ay qoreen warbaahinta dalka Mareykanka.

Dhanka kale, Mr Robert O’Neil, ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto Saldhiga si dib uu u daalacdo Dukumiintiyadii laga diyaariyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News