26.2 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

Maxaa ka dhacay Villa Soomaaliya? (Xog cusub)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa tan iyo xalay ka socda kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan madaxweynaha Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo hogaanka dalka Soomaaliya iyaga oo kaga arinsanayay shirka ka furmaya Muqdisho.

Kulamo gaar gaar ah oo u dhaxeeya Xasan Sheikh iyo C.welli Gaas ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan madaxtooyada Soomaaliya, waxaan aay kaga hadlayeen hishiiskii Garowe.

Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in kulamada diirada lagu saaray shirka ka furmaya magaalada Muqdisho ee looga hadlayo arimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Garowe u diray Cumar C/rashiid oo hishiis kasoo saxiixay C/welli Gaas oo ku dhaganaa diidmada nidaamka 4.5.

Shirarka xalay ka dhacay madaxtooyada ayaa sidoo kale waxaa isku arkay madaxweyne Xasan Sheikh iyo Axmed Madoobe iyo xubnaha kale ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Shir looga hadlay dhaqan gelinta hishiiskii  Garowe iyo isku raacida nooca doorasho ee dalka ayaa ka dhacaya maanta magaalada Muqdisho, sida qorshaha uu yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News