Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka furmaya shirka madasha wadatashiga qaran ee madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.
Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa qaabka iyo waqtiga ay dhacayaan doorashooyinka Soomaaliya ee 2016, oo ay ka mid yihiin tan madaxweynaha, xildhibaanada labada aqal iyo midda guddoomiyaha baarlamanka iyo ku xigeenadiisa.
Caasimada Online ayaa heshay xog muhiim ah oo ku saabsan go’aanada shirkan kasoo baxaya iyo xilliga la shaacin doono doorashooyinka Soomaaliya ka dhacaya, kuwaasi oo ay nasoo gaarsiiyeen helnay ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia oo codsaday inaan magacooda la shaacin.
Doorashooyinka Soomaaliya ayaa kala dhici doona waqtiyada soo socda.
1 – Xubnaha aqalka sare ee baarlamanka, ayaa waxaa lasoo gudbinayaa 10-ka June, 2016
2 – Xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka, ayaa waxaa lasoo gudbinayaa 12-ka June, 2016.
3 – Doorashada guuddoomiyaha baarlamanka (Aqalka hoose), ayaa waxa ay dhici doontaa 15-ka June
4 – Doorashada guddoomiye ku xigeenka baarlamanka, waxa ay dhici doontaa 17-ka June.
5 – Doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxaa la qaban doonaa 10-ka September ee 2016.
Si kastaba, waxaa suurta-gal in dhammaan taariikhahan, marka laga reebo tan madaxweynaha ay wax ka beddelaan is-qab qabsiga iyo muranka caadaada u ah beelaha Soomaaliyeed, hase yeeshee beesha caalamka ayaa ka digtay inaysan u dul qaadan doonin dib u dhac.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

