ATMIS oo ku biirtay dagaalka lagu soo afjarayo Shabaabka ku go’doonsan Sh/Dhexe

Mahadaay (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe ay haatan ku biireen dagaalka ka socda aagga deegaanka Cali Fooldheere oo dhaca duleedka degmada Mahadaay, halkaas oo ay muddo ku go’doonsan yihiin Shabaab badan.

Ciidamada ATMIS ayaa lagu soo warramayaa inay maanta duqeymo ka bilaabeen halkaasi, kuwaas oo ay ku garaacayaan xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan dhulka howdka ah.

Howlgalka xoogiisa wuxuu ka socdaa jiinka wabiga Shabelle, gaar ahaan inta u dhexeysa deegaanada Ciid-ciidka iyo Cali Fooldheere oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Tallaabada ay qaadeen ciidamada ATMIS iyo duqeymaha wadaan ayaa timid, kadib markii ay todobaadyo badan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka Al-Shabaab kula dagaalamayeen dhulkaasi oo ah howd, hadane ay godad waa weyn ka qoteen Al-Shabaab.

Dhulka oo ah mid aan la gelin karin, godad iyo buuro leh ayaa keentay inay gabaadyo ka dhigtaan maleeshiyada Al-Shabaab, wuxuuna howlgalku qaatay maalmo badan.

Ujeedka ayaa ah in kor iyo hoos laga weeraro xubnahaasi, si meesha loogu soo afjaro, maadaama inta badan deegaanadii kale laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo HirShabelle oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyadaasi.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, maadaama wajiga koowaad ee howlgalka socda looga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla gobolkaasi.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka socda gulufkii ugu xooganaa oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo dadka deegaanka, waxaana haatan dagaalka xoogiisa uu ka socda maamullada Galmudug iyo HirShabelle.