25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Xog: Axmed Diiriye iyo Xaad oo min $15 kun oo doollar ka qaata gobolka Banaadir + Sababta..!!

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online oo heshay xog gaar iyo documentii caddeynaya in odayaasha beelaha Hawiye aay mushaar dhan $15000 bishii ka qaataan daqliga ka soo baxa dekedda Muqdisho.

Tan iyo markii xilka duqa Muqdisho loo magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa waxaa uu ogaaday in Maxamed Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye aay joogto bil walba uga qaataan $15.000 lacagta dekedda kasoo xeroota ee canshuurta Gobolka Banaadir.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka joojiyay lacagahaas aay fidno wadayaasha ka qaadan jireen daqliga Gobolka Banaadir. Laba bilood kaddib ayaa waxaa guddoomiyaha gobolka waxaa uu waraaq ka helay in loo fasaxo lacagahaas aay qaataan si aay isaga bixiyaan biilasha hoteelada aay deggen yihiin iyo mushaarka ciidanka ilaaliya. Caasimada Online, oo heshay waraaqdii uu soo qoray wasiir odowaa, ayaa Duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale ku gacan seyray wasiir Odowaa diidayna amarkiisa.
Intaa kaddib ayaa waxaa u yeeray duqo Muqdisho madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku yiri “Yusuf. Xaad iyo Diirye iyagoo lacagta qaata sow uma imaan adiga? Haddana u fasax lacagtooda, labadii bilood aad ka goysayna sii” Hadalka Xasan Sheekh oo ahaa mid amar ah, ayaa duqa muqdisho u bilaabay siismada lacagaha xaaraanta ah ee Axmed Diiriye iyo Xaad aay ka qaataan canshuurta gobolka banaadir.

Labadan qas wada ayaa dowladda waxaa aay u isticmaasha in aay mar walba huriyaan dab qabiil, si aan loo helin xasilooni siyaasadeed.

Waxaa aay maalintii shalay ahayd mar aay qabteen shir jaraa’id, kaasoo aay ku sheegeen in maqaamka Muqdisho aanan 4.5 lagu qeybineynin. Balse su’aasha leys weydiinayaa ah yaa iyaga masuul uga dhigay maqaamka Muqdisho? Muqdisho dadka aay ka go’do aaya ka talinteeda ayeey u taalaa, Xaad iyo Axmed Diiriye waxaa aay la mid yihiin kuwaas aay ku sheegeen in aay marti ku yihiin Muqdisho.

 

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News