AXMED Diiriye oo xil kale laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal, Waxgarad iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Beesha Reer Xaaji Saleemaan oo kulan ku yeesha Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la xaliyay khilaaf ka dhex jiray mudooyinkii u dambeeyay Beesha kadib xil ka qaadis lagu sameeyay Nabadoon Axmed Diiriye Cali, waxaa sidaas werisay idaacadda Shabelle ee Muqdisho.

Kulankan ay Muqdisho ku yeesheen Waxgaradka Beesha Reer Xaaji Saleemaan ayaa ku dhawaqay Xil ka qaadista Nabadoon Axmed Diiriye Cali iyadoona xilkaasi loo magacaabay Salaad Maxamed Liibaan.

“Falanqeyn iyo Shirar badan kadib waxaan si diiran u soo dhaweneynaa Nabadoonka guud ee aanu dooranay oo loo magacabaay Xilkii laga qaaday Nabadoon Axmed Diiriye Cali” sidaasi waxaa kulanka ka yiri Malaaq Jaamac Macali Cabdi oo ka mid ah Waxgaradka ka qeyb galay kulanka.

Ugu dambeyn, Odayaasha iyo Waxgaradka ka soo jeeda Reer Xaaji Saleemaan ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay Salaad Maxamed Liibaan oo ah Nabadoonka Cusub ee lagu badalay Nabadoon Axmed Diiriye Cali.

Axmed Diiriye, ayaa goor sii horeysay waxaa laga qaaday xilkii uu ka hayey odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, waana xil qaadistii labaad ee lagu sameeyo Diiriye, oo kusoo caan baxay dagaalkii reer Muqdisho ay la galeen ciidamada Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com