Axmed Fiqi: Xog badan oo qarsaneyd ayaa soo baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday inay caddaatay in dowladda Soomaaliya ay ka been sheegtay heshiiska shidaalka kadib markii uu dhageystay barnaamijka Galka Baraista ee VOA.

Qoraal uu Fiqi soo dhigay Facebook, hoos ka aqriso.

Waxaan dhagaystay barnaamijka galka Baarista ee idaacadda Voa-da qeybteeda Afka Soomaaliga ee uu soo diyaariyey Wariye sare Harun Maruf oo xog badan oo dahsoonayd kuna saabsan shidaalka Soomaaliya dibadda soo dhigay.

Waxaa wax lala yaabo ah in wasiirka Batroolka u qaabilsan Villa Somalia in hadalkiisa ay ka muuqatay: aqoon yari hawsha uu ka shaqaynayo, inkiraad xaqiiqooyin jira, qarin xog muhiim ah sida saamiga shirkadda Spectrum, adeegsi sharci hore oo ay wasaaradiisu soo baabi’isay, degdeg iyo khayraadkii umaddu ay wada lahayd oo uu doonayo asaga iyo xukuumadda uu ka tirsan yahay in si mugdi ah u maamulaan.

Waxaan bogaadinayaa Xoghayihii joogtada ee u danabeeyey wasaaradda Batroolka mudane Jamaal Qaasim Mursal oo bixiyey xog badan oo wax ku ool ah, muujiyey aqoon iyo xog-ogaalnimo, daacadnimo iyo geesinimo, banaankana soo dhigay wax badan oo uu wasiirka Batroolku daboolayey.

Waxaan sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u dirayaa jaaliyadda UK oo dareentay khiyaanada ay wadaan madaxda Villa Somalia oo ay u xilsaarteen wasaaradda Batroolka, kuwaasoo qaaday tallaabo geesinimo leh oo lagu difaacayo khyaraadka Soomaaliya oo shakhsiyaad iyo shirkado dallaaliin ah ay doonayeen in ay London kula kala wareegaan, ayadoo ay muuqato in weli ay socoto arrintii sida hadalka wasiirka Batroolka ka muuqata oo laba magaalo oo kale doonaya inuu ku soo bandhigo mashruucii xaraashka.

Waxaa ila quman in si wanaagsan loo dhagaysto warbxinta Haaruun Macruuf uu ka diyaariyey arrimaha shidaalka.