Axmed Luqmaan oo shaaca ka qaaday arrin loo baahan yahay in laga sameeyo K/G

Baydhabo (Caasimada Online) – Axmed Maxamed Luqmaan oo ah guddoomiyaha Golaha la magac baxay Samata-bixinta Aw-Digil ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashada.

Axmed Luqmaan oo wareysi gaar ah siiyey Universal TV ayaa ka falceliyey shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu dhowaan ku baaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ninkan ayaa shaaca ka qaaday in xilligan aysan Koonfur Galbeed u baahneyn dib u heshiisiin ee ay baahan tahay dib u sixid maamul, sida uu hadalka u dhigay.

“Shirka aan soo jeedinaayo aniga waxaa weeye in lagu darsado, hadii ay ogyihiin dagaal jiro oo dad is dagaalay la heshiisiinaayo. Qodobkan dib u sixidda maamulka inay ku darsadaan ayaa haboon ” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Sama-bixinta Aw Digil, Luqmaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shacabka degan Shabeelaha Hoose ay hoos dulman yihiin Koonfur Galbeed, isaga oo tilmaamay inay xuquud badan uga maqan tahay.

“Maamulka Koonfur Galbeed guud ahaan waa qaldan yahay, gaar ahaan Shabeelaha Hoose ayaa aad u qaldan yacni meel la dayacay waayey,” ayuu raaciyey Axmed Luqmaan.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada maamulka iyo sidii loo hagaajin lahaa mustaqbalka Koonfur Galbeed, maadaama doorasho la galayo.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xaalad cakiran ay ka taagan tahay gudaha magaalada Baydhabo oo laga dareemaya xiisad siyaasadeed oo ku aadan muranka doorashada, waxaana xiisadda uga sii daray muddo kororsiga madaxweyne Laftagareen.