Axmed Madoobe iyo Xidig oo ku kulmay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta magaaladaasi ay ku kulmeen madaxweynaha Jubbaland iyo Xildhibaan C.rashiid Maxamed Xidig

Kulankooda oo ahaa mid aan lasii shaacin ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada ee maamulka Jubbaland, sida xogta aan ku heleyno, waxaana kulanka uu ka dambeeyay kadib markii Xildhibaan Xidig uu u tagay madaxweyne Axmed Madoobe.

Lama oga waxyaabaha ay si dhab ah kaga wada hadleen labada masuul, waxaana kulankooda uu imaanayaa iyadoo dhawaan dadweyne badan laga celiyay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, kuwaasi oo soo dhaweyn lahaa Mr Xidig.

Axmed Madoobe ayaa wajahaya culeesaad dhanka doorashada ah, waxaana uu ka baqayaa in masuuliyiin dowladda Soomaaliya wadato ay kula loolamaan doorashada ka dhacaysa magaalada Kismaayo.

Dhawaan wuxuu soo saaray amaro ciidamada amaanka iyo shaqaalaha Jubbaland ku wajahnaa kuwaasi oo ahaa inaysan ka qeyb qaadan karin olalaha doorashooyinka dhawaan ka dhacaya magaalada Kismaayo.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Xildhibaan dhankiisa uu qorsheynayo inuu kamid noqdo musharixiinta Maamulka Jubbaland, waxaana soo baxaya warar sheegaya in qorshaha dowladda qeyb ka yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com