AXMED MADOOBE oo baaq gaar ah u diray Madaxweynaha iyo R/wasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ku sugan Muqdisho ayaa ugu baaqay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya in ay ku daydaan dhaqankii uu lahaa ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in madaxda dowladda looga baahan yahay in iska ilaawaan isqabqabsiga ka dhex dhesha inta ay xilka hayaan, wuxuuna yiri waa in aad noqotaan siddii madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya, Aadan Cadde iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ay u wadashaqeen jireen.

“Waa in madaxda Soomaalida iyo qof kasta uu ku dayo siddii ay ku shaqeen jireen Aadan Cadde iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen kaas ayaa tusaale fiican ah” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa shegeay in khilaafka madaxda uu abuuraayo kaliye cadow tooyo in la kala fogaado.

Wuxuu kaloo Axmed Madoobe sheegay in maamul u sameynta dalka looga baahan yahay in si waafaqsan sharciga loo sameeyo sidda uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com