Dab xaley baabi’yay Isbitalkii guud ee..

Gaalkacyo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaray deeganka Ceel Guula ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaas uu ka kacay dab xoogan oo baabi’iyay Isbtaalkii guud ee deeganka.

Maamulka deeganka Ceel-Guula ayaa warbaahinta u sheegay in dabka uu baabi’yay dhammaan qalabkii yaallay Isbitaalka.

Dadka deeganka ayaa isku howlay in damiyaan dabka balse wuu ka tan weynaa waxaana ay karri waayeen in ay damiyaanka oo baabi’iyay Isbitaalka oo dhan.

Maamulka degmada Ceel Guula oo goobta gaaray ayaa ku howlan bal in ay qiimeeyaan wax yeelada uu geestay dabka iyo sidda dib loogu dhisi karo Isbitaalka Guud ee degmada.

Dad badan oo ku nool Ceel Guula iyo deegannada kale ee ku dhowdhow ayaa isbitaalka ku tiirsanaa waxaana hadda soo wajaheysa dhibaato isbitaal la’aan ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com