C/W Gaas: “Puntland waxaa ka go’an in ay ka shaqeyso midnimada Somalia”

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland oo maalintii labaad ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayaa sheegay in Puntland ay u taagan tahay siddii dib loogu soo celin lahaa minimada Soomaaliya.

“Annigoo ku hadlaya dowladda iyo shacabka ku nool Puntland, waxaa naga go’an in aan ka shaqeeno midnimada Soomaaliya iyo waddankeena inuu ka baxo sidda uu maanta yahay, siddaas ayaana Soomaalida kale ugu baaqeynaa” ayuu yiri.

Isagoo xaley ka qaybgalay kulan ka dhacay madaxtooyada Villa Somalia, oo loogu duceenayay allaha ha u naxariisto ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, oo dhawaan ku geeriyooday dalka Maraykanka ayaa sheegay in Puntland ay ka shaqeyn doonto siddii Soomaaliya marka kale loo mideen lahaa isla markaana looga shaqeyn lahaa dhibka heesta Soomaaliya siddii looga bixi lahaa.

Ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cabdiweli Gaas, ayaa tilmaamay in arrin muqadas ay tahay Soomaaliweyn in la mideeyo oo hal qaran la noqdo sidda uu yiri.

Madaxweynaha Puntland ayaa markii uu shaley ka soo dagayay garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa la socday ciidamo si gaar ah u tababaran kuwaasoo ka soo raacay magaalada Garoowe oo ay ka soo amababaxeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com