Sawirro: Meydka AUN C/risaaq Xaaji oo lagu aasay deegaanka Ceel-Cirfiid

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta oo Jimco ka qayb galay aas qaran oo magaalada Muqdisho loogu sameeyay ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo dhawaan ku geeriyooday Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Meydka marxuumka ayaa lagu aasay deeganka Ceel-Cirfiid ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaasoo uu ku aasan yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan Aadan.

Aaska qaran ee loo sameeyay ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, madaxweynaha maamulka Puntland, hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba, wasiiro, xildhibaanno, ra’iisal wasaarayaashii horre ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi iyo Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo dadweyne fara badan oo ka kala yimid daafaha adduunka oo dhan.

Marxuumka ayaa inta la aasin waxaa salaada Janaasada lagula tukaday masaajidka isbaheesiga ee magaalada Muqdisho dabadeedna waxaa loo qaaday Ceel-Carfiid.

Marka laa aasay marxuuumka ayaa waxaa goobta ka hadlay gabadha uu dhalay ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Ubax Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

aa

aas

22

Waxa ay sheegtay in ay aad ugu faraxsan thay sidda loo qaban qaabiyay iyo sidda la isaga xil saaray aaska Aabaheed, iyadoo u mahadceliyay madaxda dowladda iyo dhammaan dadka ka soo qaybgalay.

Intaa kaddib waxaa isna hadlay Cabdi Ismaacil Samatar oo la socday meydka marxuumka kana yimid Maraykanka, wuxuu ugu horreyn u mahadcliyay ciidamada dowladda oo ku sugnaa waddooyinka oo uu yiri waxaa ku dhacayay boorka iyagoo aan heesan biyo ay cabaan”.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isna ka hadlay goobta aaska ayaa alle uga baryay marxuumka in uu janada ka waraabiyo qoyska iyo dhammaan umada Soomaaliyeed ee uu ka baxay samir ka siiyo.

Dhinaca kale, inta uu aaska socday waxaa la xiray dhammaan waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana is taagay isku socodka dadka iyo gaadidka.

Arrintan ayaa loo sameeyay aas qaran oo loo sameeyay r’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo saakay laga soo dajiyay Magaalada Muqdisho.

Ammaanka magaalada Muqidsho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana aaska ka qaybgalaya madaxda dowladda Soomaaliya, madaxweynaha Puntland, hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba iyo dadweyne aad u fara badan.

Haddii aan nahay bahda Caasimada Online, waxaan alle uga baryeenaa marxuumka in uu qabriga u waasiciyo oo su’aasha malaga uusan gafin Aamiin Aamiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com