Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa galabta dirtay farriin lamid ah tii ay shalay dirtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug oo si weyn loogu soo dhaweeyay musharraxa Xisbiga JSP ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan (Shuluq).
Shacabka Dhuusamareeb ayaa Sabtidii usoo banaanbaxay soo dhaweynta Liibaan Shuluq OO Villa Soomaaliya uu waddo Madaxweynaha Galmudug, iyada oo shacab fara badan iyo masuuliyiin ay la qayb-galeen bandhigaasi siyaasadeed.
Si lamid ah Guriceel ayaa Galabta muujisay inay diyaar u tahay doorashada tooska ah ee Galmudug, waxaana wacdaro ka dhigay Xisbiga Towqfiiq ee uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo taageero wayn ku leh gobollada dhexe.
Sheekha ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Guriceel, waxaana soo dhaweyntiisa ka qayb-galay maamulka degmada, waxgaradka deegaanka iyo kumanaan kun oo shacab ah oo isugu baxay bartamaha magaaladaas.
Sidoo kale, Isu soo baxa oo u dhacay si nabad ah ayaa ka tarjumaya rajada iyo ka qaybgalka bulshada ee geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay hadda Dowladda Federaalka ka qaybaneyso maamul-goboleedyada.
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo la hadlay taageerayaashiisa ayaa u mahad-celiyay, sidoo kalena wuxuu ku booriyay ka qayb-galka doorashada.
Waxaa kale oo uu ka codsaday in xisbigiisa ay codka siiyaan, sidoo kalena ay soo dhaweeyaan ururrada kale ee tartamaya maadaama la galayo loollan adag.
“Ururka Towfiiq codka siiya ururrada kale yaan la qadin far kaliya fool ma dhaqdo waxaan jeclahay inaan is garabsano oo horay loo socdo,” ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga Towfiiq, Mudane Sheekh Maxamad Shaakir Cali.
Dhammaan degmooyinka Galmudug ayaa waxaa haatan si weyn uga socda ololaha doorashooyinka isku sidkan ee maamulkaasi, waxaana socda diyaar garowgii ugu dambeeyay, maadaama dhawaan la guda galayo doorashada.
Si kastaba, Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-galaya 35 Xisbi, kuwaas oo hadda olole xooggan ka wada magaalooyinka maamulkaas.

