Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ee ku sugan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta gacanta kusoo dhigay koox loo haysto inay gaysteen kufsi iyo dhac, kadib howlgal ka dhacay gudaha degmadaasi.
Ragga lasoo qabtay waxaa ku jiro eedeysanayaal kale oo iyaguna ku eedeysan ciyaal-weeranimo iyo inay qalqalgeliyeen amniga degmada, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliya.
Bayaanka ciidamada amniga ayaa lagu sheegay in muddo dheer lagu daba jiray raggan, waxaana ugu dambeyn lasoo qabtay maanta oo Axad ah.
“Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ee Saldhiga Degmada Afgooye,oo kaashanaya Guutadda 1,aad ee daraawiishta ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysanayaal ku eedeysan Ciyaal-weeranimo,Kufsi,dhac iyo qalqalgelin ami kuwaas oo ay ku dabajireen laamaha Amniga Degmada,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Howlgalkan waxaa hoggaaminayay taliye ku xigeenka saldhigga degmada Afgooye, iyada oo eedeysanayaasha la horgeyn maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.
“Howlagal Boliisku ka sameeyay Waaxda if iyo Aakhiro oo uu hogaaminayay Taliye kuxigeenka Saldhiga X/le Maxamed Xussein Barqadle (Macalin-Qalinle) ayaa lagu soo qabtay eedeysanayaasha,Baaris kadib waxaa la horgeyn doonaa maxkamada awooda u leh,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.
Afgooye ayaa waxaa muddooyinkan howlgal amni xaqiijin ah ka waday ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ee ku sugan degmadaasi, si looga hortego falalka lagu qalqal-gelinayo nabad-gelyada.
Magaaladan oo qiyaastii 30 KM u jirta caasimada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale halis ku haya Al-Shabaab oo inta badan weerarro ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo xarumaha maamulka ee ku yaalla halkaas.

