Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu yeeray Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Cali, si uu uga hor yimaado guddiga.
Guddiga ayaa wasiir Roobow ugu yeeray si uu uga jawaabo su’aalo la xiriira arrimaha Xajka ee sanadkan.
U yeeritaanka wasiirka ayaa timid kadib markii guddiga ay soo gaareen cabashooyin ay gudbiyeen qaar kamid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo walaac ka muujiyay hannaanka maamulka adeegyada iyo sida loo agaasimay arrimaha Xajka.
Cabashooyinkan ayaa la sheegay inay salka ku hayaan habraacyada iyo maamulka adeegyada la siiyay xujaajta Soomaaliyeed.
Guddiga ayaa sheegay in waajibaadkiisa kormeer iyo la-xisaabtan uu ku qasbayo inuu si toos ah u dhageysto Wasiirka Awqaafta, si loo helo faahfaahin buuxda oo ku saabsan cabashooyinka jira, loona caddeeyo sida ay wasaaraddu u maareysay howlaha la xiriira Xajka.
Sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ka soo baxay guddiga u yeerista Wasiir Mukhtaar Roobow waa mid waafaqsan awoodaha dastuuriga ah ee uu leeyahay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan doorka uu ku leeyahay la-xisaabtanka hay’adaha fulinta.
Qoraalka ayaa lagu caddeeyay in tallaabadan ay ku saleysan tahay qodobbada 95-aad, 81-aad iyo 82-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Xeer-hoosaadka Aqalka Sare, kuwaas oo siinaya guddiyada baarlamaanka awood ay ku kormeeraan uguna yeeraan mas’uuliyiinta dowladda si ay uga jawaabaan arrimaha khuseeya shaqadooda.
Guddiga ayaa sidoo kale ugu baaqay Wasiirka Awqaafta iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda inay kasoo qeyb-galaan kulanka waqtiga loo asteeyay, iyagoo wata dhammaan xogaha iyo faahfaahinta lagama maarmaanka u ah in guddiga lala wadaago.
Kulankan ayaa la filayaa inuu diiradda saaro jawaabaha ay wasaaraddu ka bixin doonto cabashooyinka shacabka iyo sida loo maareeyay adeegyada Xajka, iyadoo guddigu uu doonayo inuu helo sawir dhammaystiran oo ku saabsan arrintaasi.
Si kastaba, ilaa iyo hadda Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Cali weli kama uusan jawaabin u yeerista rasmiga ah ee Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

