Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si weyn looga digayaa in dib u soo laabashada weerarrada burcad-badeedda ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya ay mar kale abuurtay walaac xooggan, iyadoo ay sare u kacayaan kharashaadka maraakiibta, caymiska iyo halista ay wajahaan badmaaxiinta isticmaala marin-biyoodka Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.
Sida ay sheegeen khubaro ku xeel dheer amniga badaha iyo daneeyayaasha gaadiidka badda, weerarrada soo noqnoqday ayaa saameyn ku yeelanaya kalsoonidii laga qabay amniga marin-biyoodka gobolka, taasoo keeni karta in shirkadaha maraakiibtu dib u qiimeeyaan qorshayaashooda safarka iyo kharashaadka ay ku shaqeeyaan.
Warbixin ay soo saartay Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO) ayaa muujisay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay la diiwaangeliyay 24 weerar ama isku day burcad-badeednimo iyo dhac hubeysan, taasoo lagu tilmaamay kororkii ugu weynaa ee amni-darrada badda muddo sanado ah.
Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaamtay in guud ahaan caalamka ay dhacdooyinka la xiriira burcad-badeednimada sare u kaceen boqolkiiba 17 intii u dhexeysay sannadihii 2024 iyo 2025. Tirada weerarrada ayaa ka korortay 146 dhacdo, iyadoo gaartay 171 dhacdo, taasoo muujineysa dib u dhac ku yimid guulihii laga gaaray la-dagaallanka burcad-badeedda sanadihii la soo dhaafay.
Falanqeeyaha arrimaha badaha Andrew Mwangura ayaa sheegay in haddii weerarradan ay sii socdaan, shirkadaha maraakiibta lagu qasbi karo inay beddelaan marinnada ay maraan, kordhiyaan adeegyada ilaalada gaarka ah isla markaana bixiyaan caymis aad u qaali ah.
Wuxuu intaas ku daray in tallaabooyinkaasi ay si toos ah u kordhin doonaan kharashaadka howlaha maraakiibta, taasoo ugu dambeyn saameyn ku yeelan doonta qiimaha badeecadaha la kala dhoofiyo iyo kuwa la soo dejiyo, maadaama qarashaadka dheeraadka ah lagu dari doono qiimaha xamuulka.
Mid kamid ah dhacdooyinka ugu waaweyn ee sanadkan dhacay ayaa ah afduubka markabka shidaalka qaada ee MT Honour 25, kaas oo sita calanka dalka Palau. Kiiskan ayaa noqday mid si weyn u soo jiitay indhaha daneeyayaasha amniga badaha iyo shirkadaha gaadiidka badda.
Markabkaasi oo shidaal u siday magaalada Muqdisho ayaa la afduubay 21-kii April, xilli uu marayay meel qiyaastii 30 mayl-badeed u jirta xeebaha Bandar Beyla ee Puntland, kaasi oo weli ku jira gacanta kooxaha burcad-badeedda.
Shaqaalaha markabka ayaa ka kooban 17 badmaax oo u kala dhashay Pakistan, Indonesia, Hindiya, Sri Lanka iyo Myanmar. Badmaaxiintan ayaa marar badan diray farriimo gargaar, iyagoo sheegay inay wajahaan xaalado nololeed oo aad u adag, oo ay kamid yihiin cunto yari iyo daryeel caafimaad la’aan.
Dib u soo laba-kacleynta weerarrada burcad-badeedda ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo amniga xeebaha Soomaaliya iyo marin-biyoodka caalamiga ah ee gobolka, iyadoo khubaradu ka digayaan in haddii xaaladdu sii socoto ay saameyn ballaaran ku yeelan karto isu socodka ganacsiga badda iyo dhaqaalaha ku tiirsan gaadiidka maraakiibta.

