Amman (Caasimada Online) – Militariga Mareykanka ayaa Sabtidii xaqiijiyay in laba askari oo ka tirsanaa ciidamadiisa lagu dilay, mid kalena la la’yahay, kaddib weerar ay Iran ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla dalka Jordan.
Waa dhimashadii ugu horreysay ee ciidamo Mareykan ah kasoo gaarta weerar toos ah oo ay Iran fulisay tan iyo maalmihii ugu horreeyay ee dagaalka, taas oo sare u qaadaysa cabsida laga qabo in colaadda labada dal ay kusii fido gobolka.
Taliska Dhexe ee Mareykanka, CENTCOM, ayaa sheegay in askarta la dilay Jimcihii, xilli ciidamada Mareykanka iyo kuwa dalalka ay saaxiibka yihiin ay iska caabinayeen gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ay Iran soo ridday.
Weerarka ayaa lagu qaaday saldhigga cirka ee Muwaffaq Salti ee Jordan, oo ay ku sugan yihiin ciidamo iyo diyaarado dagaal oo Mareykan ah.
Afar askari oo kale oo ku dhaawacmay weerarka ayaa loo qaaday isbitaallo ku yaalla Jordan, balse markii dambe waa laga saaray kaddib markii xaaladdooda caafimaad ay soo hagaagtay. Militariga Mareykanka weli ma shaacin magacyada askarta dhimatay iyo kan la la’yahay.
Tan iyo markii uu dagaalku billowday, ugu yaraan 16 askari oo Mareykan ah ayaa la dilay, halka in ka badan 430 kale ay dhaawacmeen.
Ciidamada difaaca cirka Jordan ayaa sheegay inay Sabtidii soo rideen 10 gantaal oo Iranian ah oo soo galay hawada dalkaas, iyagoo sheegay in tallaabadaas looga gol lahaa ilaalinta shacabka iyo ammaanka hawada boqortooyada.
‘Casharro aan la illoobi karin’
Xaqiijinta dhimashada ciidamada Mareykanka ayaa timid daqiiqado kaddib markii hoggaamiyaha sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, uu Washington uga digay inay la kulmi doonto “casharro aan la illoobi karin” haddii ay sii waddo duqeymaha ka dhanka ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
Bayaan loo nisbeeyay Khamenei oo laga akhriyay telefishinka dowladda Iran ayuu sidoo kale ku sheegay in saxiixa madaxweyne Donald Trump uu yahay mid “aan wax qiimo iyo sharciyad ah lahayn”.
Khamenei ayaan meel fagaare ah lagu arag tan iyo markii dagaalku billowday, waxaana hadalladiisa lagu sheegay in Iran iyo kooxaha hubeysan ee ay taageerto ee gobolka, kuwaas oo Tehran ugu yeerto “Jabhadda Iska-caabbinta”, ay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan weerarrada Mareykanka.
Hadalka ayaa kusoo beegmay saacado kaddib markii Tehran ay ku dhawaaqday inay joojisay fulinta qodobadii heshiis ku-meel-gaar ah oo ay Mareykanka la saxiixatay qiyaastii bil ka hor.
“Hadda ma fulineyno waajibaadkaas,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Iran Kazem Gharibabadi, isagoo ku eedeeyay Mareykanka inuu jabiyay ballanqaadyadii uu heshiiska ku galay.
Heshiiska ayaa la doonayay inuu saldhig u noqdo soo afjaridda dagaalka, balse burburkiisa ayaa meesha ka saaraya mid ka mid ah fursadihii ugu dambeeyay ee dib loogu soo celin lahaa wada-hadallada. Ma jirin Sabtidii war cusub oo kasoo baxay dadaallada dhexdhexaadinta.
Mareykanka iyo Iran ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay is-weydaarsanayay weerarro lagu bartilmaameedsanayo saldhigyo ciidan, kaabeyaasha dhaqaalaha, dekedaha, xarumaha tamarta iyo goobaha lagu keydiyo hubka.
CENTCOM ayaa sheegay in habeenkii toddobaad oo xiriir ah ee duqeymaha Mareykanka lagu beegsaday xarumaha kormeerka, kaabeyaasha saadka ciidamada, bakhaarro hub oo dhulka hoostiisa ku yaalla iyo awoodaha badda ee Iran.
Weerarro ku fiday Khaliijka
Dagaalka ayaa sidoo kale kusii fiday dalal kale oo gobolka ah, iyadoo khasaaraha ugu weyn ee weerarradii Iran ee Sabtidii laga soo sheegay Kuwait.
Mas’uuliyiinta Kuwait iyo shirkadda shidaalka dowladda ee Kuwait Petroleum Corporation ayaa sheegay in gantaallo ay Iran soo ridday ay ku dhaceen xarun shidaal iyo warshad biyaha badda ka macaansaysa.
Dhowr qof ayaa ku dhaawacmay weerarka xarunta shidaalka, halka dab ka kacay warshadda biyaha uu sababay in qaar ka mid ah qeybihii korontada dhaliyay ay shaqada joojiyaan.
Kuwait ayaa ku tiirsan warshadaha biyaha badda ka macaaneeya, kuwaas oo daboola ku dhowaad 90 boqolkiiba baahida biyaha la cabbo ee dalkaas saxaraha ah. Weerarka ayaa ahaa kii labaad ee muddo laba maalmood gudahood lagu qaado xarun noocaas ah.
Dab-damiska Kuwait ayaa sheegay in dhowr dab-damiye iyo shaqaale kale ay ku dhaawacmeen xilli ay la tacaalayeen dabab ka dhashay weerarrada.
Dowladda ayaa si kooban u xirtay hawadeeda sababo la xiriira digniino gantaallo, halka shirkadda Kuwait Airways ay dib u habeyn ku sameysay inta badan duulimaadyadii imanayay ama ka baxayay caasimadda.
Ciraaq ayaa iyaduna sheegtay inay soo ridday diyaarado aan duuliye lahayn oo ku wajahnaa magaalada Irbil, halka digniinaha weerarrada cirka laga maqlay Bahrain iyo Sacuudi Carabiya.
Xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, Jasem Mohamed al-Budaiwi, ayaa Iran ku eedeeyay inay gashay dambiyo dagaal, isagoo cambaareeyay weerarrada lagu qaaday kaabeyaasha muhiimka ah iyo xarumaha ay shacabka isticmaalaan.
Xuddunta dagaalka ayaa hadda kusii jeedda marin-biyoodka Hormuz, oo ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ganacsiga tamarta caalamka, islamarkaana ay horey u mari jirtay ku dhowaad shan meelood meel shidaalka dunida.
Weerarrada labada dhinac iyo loollanka loogu jiro gacan-ku-haynta marin-biyoodka ayaa khatar geliyay maraakiibta ganacsiga, xarumaha tamarta iyo adeegyada aasaasiga ah, iyadoo suuqyada caalamkuna ay si dhow ula socdaan saameynta uu dagaalku ku yeelan karo qiimaha shidaalka iyo dhaqaalaha dunida.

