Washington (Caasimada Online) – Sababta uu militariga Mareykanka u cuskanayo duqeymaha joogtada ah ee uu ka fuliyo Soomaaliya ayaa ku saleysan halis argagixiso oo aan dhab ahaan ku soo wajahneyn gudaha Mareykanka, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ku baaqday in Washington ay soo afjarto faragelinteeda militari ee Soomaaliya.
Machadka Defense Priorities oo fadhigiisu yahay Washington ayaa warbixin uu soo saaray Talaadadii ku sheegay in Al-Shabaab iyo faraca kooxda Daacish ee Soomaaliya aysan weligood muujin awood iyo damac ay halis weyn ugu geysan karaan Mareykanka.
Warbixinta ayaa sheegtay in labada kooxood ay inta badan xoogga saarayaan dagaallada maxalliga ah ee ka socda gudaha Soomaaliya, halka duqeymaha Mareykanka iyo taageerada militari ee socotay sannado badan aysan ku guuleysan inay jebiyaan ama soo afjaraan awooddooda.
“Mareykanku dano aad u kooban ayuu Soomaaliya ku leeyahay, ha noqdaan kuwo amni ama kuwo kale,” ayuu qoray William Walldorf, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Defense Priorities.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Al-Shabaab, Daacishta Soomaaliya iyo kooxaha la midka ah “aysan wax halis ah ku hayn gudaha Mareykanka,” isla markaana ay suuragal tahay in hawlgallada militari ee Washington ay xitaa sii xoojiyeen kooxahaas.
Natiijada warbixintan ayaa kusoo beegmeysa xilli Mareykanku si weyn u kordhiyay duqeymaha uu ka fulinayo Soomaaliya, kuwaas oo hadda ku socda heer aan hore loo arag.
Taliska Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa ku dhawaaqay ku dhowaad 80 weerar oo uu Soomaaliya ka fuliyay sanadkan, kadib qiyaastii 125 duqeyn oo la fuliyay sanadkii hore.
Kororka weerarrada ayaa yimid kadib amar uu sanadkii hore bixiyay xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Pete Hegseth, kaas oo taliyeyaasha AFRICOM siiyay awood dheeraad ah oo ay ku go’aamin karaan goorta la fulinayo duqeymaha.
Si kastaba, wali ma cadda saameynta dhabta ah ee ay weerarradu ku yeesheen Al-Shabaab, oo muddo labaatan sano ah ka dagaallameysay Soomaaliya, isla markaana doonaysa inay meesha ka saarto dowladda dalka.
Sanadkii 2025, Al-Shabaab ayaa sameysay horumar dhuleed oo ballaaran, iyadoo dib u qabsatay deegaanno ay dowladdu gacanta ku dhigtay laba sano ka hor, sida lagu sheegay warbixin ay bishii hore soo saartay hay’adda International Crisis Group, balse dowladda Soomaaliya ay beenisay.
Inkasta oo ciidamada dowladda ay markii dambe dib isu abaabuleen, ayna sugeen deegaanno ku dhow Muqdisho, haddana qeybo ballaaran oo ka mid ah bartamaha Soomaaliya ayaa weli gacanta ugu jira maleeshiyada, taas oo labada dhinac gelisay xaalad aan midkoodna guul cad gaarin.
Dood ka taagan halista Al-Shabaab
Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa sannadihii lasoo dhaafay ku doodayay in howlgalka AFRICOM ee Soomaaliya uu si toos ah ula xiriiro ilaalinta amniga Mareykanka.
Howlgalka ayaa inta badan ku saleysan tababarka iyo la-talinta ciidamada dowladda Soomaaliya, iyo sidoo kale taageerada cirka ee la siiyo ciidamada la dagaallamaya kooxaha hubeysan.
Taliyeyaal kala duwan oo Mareykan ah ayaa sheegay in kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika ay leeyihiin damac ay weerarro uga geystaan meelo ka baxsan qaaradda.
Taliyaha hadda ee AFRICOM, Jeneraal Dagvin Anderson, ayaa dhageysi ka dhacay Senate-ka bishii May ku sheegay in “xudunta argagixisada caalamka ay hadda tahay Afrika.”
“Hoggaanka Daacish waa Afrikaan, halka mishiinka dhaqaale ee Al-Qaacida uu yaallo Afrika,” ayuu yiri Anderson.
“Labada kooxoodba waxay leeyihiin rabitaan iyo damac ay ku weeraraan dalkeenna.”
Hase yeeshee, heerka khatarta ay kooxahaas ku hayaan Mareykanka ayaa muddo dheer ahaa arrin muran ka taagan yahay.
Xoghayihii hore ee gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa buuggiisii xusuus-qorka ee la daabacay 2022 ku sheegay in isku daygiisii ahaa in la yareeyo howlgalka Soomaaliya uu iska caabin kala kulmay AFRICOM.
Esper ayaa sheegay inuu u arkayay halista Al-Shabaab mid xaddidan, balse taliska AFRICOM uu ku khilaafsanaa qiimeyntaas.
“Qiimeyn noocaas ah waxay khatar gelin lahayd kheyraadkooda,” ayuu Esper qoray, isaga oo ula jeeday dhaqaalaha iyo awoodaha loo qoondeeyo taliska.
Madaxweyne Donald Trump ayaa ciidamadii Mareykanka ka saaray Soomaaliya dhammaadkii muddo-xileedkiisii koowaad, balse waxaa dib loogu celiyay dalka bilowgii maamulkii madaxweynihii hore Joe Biden, waxayna weli ka howlgalaan Soomaaliya.
Kharash badan iyo natiijo aan caddayn
Warbixinta Defense Priorities ayaa ku doodday in dhaqaalaha iyo kheyraadka Mareykanka ee lagu bixiyo Soomaaliya loo wareejiyo meelo kale, iyadoo sheegtay in “kharashka ku baxaya sii joogitaanka ciidamada uusan u qalmin.”
Qiimaha guud ee howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya si rasmi ah looma oga, sababtoo ah wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka si furan uma shaaciso xogtaas.
Hase yeeshee, warbixinta ayaa qiyaastay in ololaha militari uu Mareykanka ku kacay boqollaal milyan oo dollar.
Machadka ayaa ugu baaqay maamulka Trump inuu muddo bilo ah si tartiib-tartiib ah usoo afjaro howlgallada Soomaaliya, isla markaana mas’uuliyad dheeraad ah ku wareejiyo dalalka iyo saaxiibada kale ee gobolka.
“Marka la soo koobo, waxaa jira dalal badan oo Soomaaliya dano uga waaweyn kuwa Mareykanka ku leh, kuwaas oo go’aamin kara waddada loo marayo xal,” ayay warbixintu kusoo gabagabeysay.
Warbixinta ayaa imaneysa xilli dowladda Mareykanka ay horraantii Bishan sheegtay inay joojin doonto taageerada ay Qaramada Midoobay siiso howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya laga bilaabo bilowga sanadka soo socda, sida ay muujinayaan laba dukumenti oo ay aragtay Caasimada Online.
Tallaabadan ayaa saraakiil xog-ogaal ah ku tilmaameen mid halis gelin karta sii jiritaanka howlgalka AUSSOM, oo kaalin muhiim ah ka qaata taageerada dowladda federaalka Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, UNSOS, kaas oo bixiya adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin raashin, biyo, shidaal, adeeg caafimaad iyo gaadiidka ciidamada.
Ma cadda haddii Washington ay tallaabadan raacin doonto in ay ka wada bado Soomaaliya.

