Axmed Madoobe oo ballan-qaad ka helay Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la kulmay safiir ku xigeenka dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Tim Trenkle.

Labada mas’uul ayaa kulankooda uga wadahadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan arimaha amniga, siyaasada iyo go’aanka madasha wadatashiga ee awooda dib loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed dalkuna uu ku aadayo Doorashooyin dadweyne.

Sidoo kale waxa ay isla soo hadal-qaadeen dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Danjire Tim Trenkle oo madasha ka hadlay ayaa u ballan-qaaday hoggaamiyaha Jubbaland inay ka caawin doonaan howlgallada la filayo inay ka billowdaan gobollada Jubbooyinka oo uu ku wajahan wejiga labaad ee duulaanka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale dhankiisa u mahadceliyay safiir kuxigeenka dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, wuxuuna sheegay in taageeradooda ay muhiim u tahay dagaalka adag ee ku wajahan maleeshiyada Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida tooska ah uga qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna duqeynmo xoogan la beegsadaa deegaanada ay ku sugan yihiin xoogaga kooxda.

Wuxuu sidoo kale Mareykanka agab milatari iyo tababar siiya ciidanka Danab oo saldhigooda ugu weyn uu kuu yaalla deegaanka Balidoogle ee Shabeelaha Hoose.

Si kastaba, ballan-qaadkan Mareykanka u sameeyay Jubbaland aya kusoo aadayo, xilli ay diyaar garoobeyso guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo hadda ka socda Kismaayo iyo Afmadow.