Axmed Madoobe oo dalab xasaasi ah oo la xiriira shirka Afisyooni u gudbiyay Wakiilka Midowga Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlada goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan xasaasiya kula qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada-hadleen sidii xal looga gaari lahaa is-mari-waaga siyaasadeed ee dalka.

“Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadley sidii loo qaadi lahaa tallaabooyinka ugu haboon ee xal lagaga gaari karo ismarinwaaga siyaasadeed ee dalka ka taagan,  Si ay doorasho wadar ogol ahi dalka uga dhacdo iyo sidii ay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM u sugi lahaayeen goobta uu ka dhacayo shirka loo madlanyahay dhowaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Axmed Madoobe ayaa wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ka dalbaday inay ciidamada AMISOM sugaan amniga teendhada Afisyooni oo ah goobta uu ka dhacayo shirka looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka. 

Madaxweynaha Jubbaland ayaa hore walaac uga muujiyay amniga magaalada Muqdisho iyo isku haleynta ciidamada dowladda, kuwaasi oo muddooyinkii dambe ku kacay falal ka dhan ah xoriyatul qowlka ayaga oo ka amar qaadanaya madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

Shirka looga arrinsanayo doorashada ayaa la qorsheynaya inuu ka dhaco teendhada Afisyooni oo ah meeshii afar sanno ka hor lagu soo doortay Farmaajo, kadib markii madaxda Puntland iyo Jubbaland ay ku gacan seyreen in shirka uu ka dhaco Villa Somalia oo ay u arkaan goob aan amaan ahaan la isku haleyn karin.