Arrimo maanta ka dhacay garoonka Muqdisho oo muujiyey sida loo kala aamin baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha unaxariiste waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, oo dhawaan ku geeriyoodah dalka Kenya, hase yeeshee waxaa janaasadda kasoo dhex-muuqda arrimo halistooda leh. 

Salaadda janaasada marxuumka oo ay ka qeyb-galeen inta badan madaxda waqtigooda dhamaaday iyo musharaxiinta mucaaridka ayaa banaanka usoo saartay heerka kalsooni darada siyaasadeed iyo tan amni.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo degan meel wax ka yar 1-KM u jirta halkii salaadda janaasada lagula tukaday Meydka Cali Mahdi ayaa kasoo qeyb-galin cabsi amni darro darteed, iyo inuusan isku haleyn karin Villa Somalia, sida ay sheegeen xubno ku dhow.

Axmed Madoobe oo maanta la kulmaywakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ka dalbaday inay ciidamada AMISOM sugaan amniga teendhada Afisyooni oo ah goobta uu ka dhacayo shirka looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka. 

Dhanka kale, Is-mari-waa muddo qaatay oo qarka u saarmay inuu isku rogo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Musharaxiinta iyo kuwa AMISOM ayaa sidoo kale ka dhacay afaafka hore ee garoonka Aadan Cadde.

Janaasadda waxaa ku wada sugnaa ilaalada gaarka ee Musharaxiinta Mucaaradka iyo Madaxda waqtigooda dhamaaday, waana tan keentay taag-taaga in AMISOM dhammaan u diido Madaxdi hore inay hub la galaan oo ugu dambeyn markii xaalka amni sii xumaaday la ogolaaday Istaafka madaxdii hore.

Sida aan xogta ku helnay Amisom ayaa waxaa amarka siiyey madaxda dowladda federaalka, oo cabsi ka qabay in ilaalada musharaxiinta qaarkood ay sameeyaan falal amni-darro.

Arrintan ayaa banaanka keenaysa heerka uu gaarsiisan yahay kalsoonida darada siyaasadeed iyo midda amni, ayada oo uu dowladda dhamaaday muddo xileedkeedii sharciga ahaa.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa kaamirada ay qabatay isaga oo dhinac maraya oo xitaa aan salaamin musharaxiinta mucaaradka, taasi oo dad badan ay ku dhaliileen.

Waxaa dad badan is weydiinayaan haddiiba xaalka sidaa yahay oo kalsooni darada ay sii xoogeysatay sidee doorasho lagu kalsoon yahay u dhici doontaa?!.

Si kastaba, waxaa maalmihii u dambeeyay socday dadaalo ay beesha caalamka iskugu keenayso madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada, waxaana lagu wadaa in shir u dhaxeeya dhinacyadaas uu ka dhaco teendhada Afisyooni, wallow uusan cadeyn in heshiis loo dhan yahay wada-gaari doonaan.