Kismaayo (Caasimada Online)-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa ka hadlay Doorashooyinka la filaayo inay ka dhacaan magaalada Muqdisho, taa oo lagu dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ku-xigeenadiisa iyo Madaxweynaha cusub ee uu yeelan doono dalka.
Axmed Madoobe oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ah ayaa Xildhibaanada cusub uga digay inay muujiyaan kalsooni darro maadaama shacabku ay isha ku hayaan.
Madoobe waxa uu Xildhibaanada Cusub uga digay in Shaqsiga Musharaxa ah ay ku doortaan dhaqaale, waxa uuna ku baaqay in looga baahan yahay in taa bedelkeeda ay Musharaxa ku doortaan waxqabadkiisa.
”Haddii ay Xildhibaanadu noo keenaan Musharax lagu doortay lacag micnuhu waxa ay ka dhigan tahay ma jirto kalsooni dalkuna waxa uu isku bedelayaa musuq iyo dhaqaale uruursi, waxaan taa uga badbaadikarnaa in Musharaxa aan ku doorano daacadnimo”
”Anigu Xildhibaanadu waxaan uga digayaa in dalka ay haligaan oo ay noqdaan caado qaatayaal, waayo ujeedka loo soo doortay da’yarta ayaa ah in dalka ay wax ka bedelaan oo aysan u shaqeyn cagsi”
Axmed Madoobe waxa uu ka digay in dalka dib loogu celsho dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, waxa uuna sheegay in taa ay imaan doonto marka ay Xildhibaanada eegtaan maslaxadooda.
Haddalka Axmed Madoobe, ayaa imaanaya xili Gudaha Bishaani aan ku jirto ay dhici doonaan Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

