25.7 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Faroole oo oo meel xun gaarsiiyey weerarka C/Weli Gaas

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa eedeyn weyn u jeediyay madaxda maamulka Puntland.

Senetor Faroole, ayaa ku eedeeyay maamulka C/Welli  Gaas inuusan wax badan ka qaban dhibaatooyinka ka jira deegaanada maamulka Puntland.

Ugu horeyn Faroole, ayaa soo hadal qaaday abaaraha ka jira deegaanada Puntland, isagoo sheegay in maamulka C.Welli Gaas uusan waxba ka qaban dhibaatooyinka dadweynaha heysta.

Wuxuu sheegay in abaaraha hadda ka jira ay u baahan yihiin in gurmad deg deg ah lala gaaraa dadka ku nool deegaanada maamulkaasi, balse aysan muuqan doorkii looga baahnaa maamulka Gaas, sida uu hadalka u dhigay.

“Reer guuraa badan ayaa isugu tagay gobolka Bari, meello badan oo deegaanka ahna abaar baa ka jirta, roob yar oo ka da’ay Bari waxaa isugu tagay kumanaan qof oo hadda laga yaabo in xaaladda ay sii culeyn karto”

“xukuumadda Puntland waxbo ma aysan qaban wasaaradihii qaarna shaqadii looga baahnaa weli ma hayaan” ayuu yiri Faroole

Wuxuu ugu dambeyn soo jeediyay in maamulka Puntland iyo shacabkaba u istaagaan sidii dadka dhibaateysan wax loogu qaban lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News