Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin lagu daabacay Wargeyska Al-eqtisadiya ee kasoo baxa dalka Sacuudiga ayaa qoray inuu soo idlaaday Heshiiska u socday Dowlada Somalia iyo Sacuudiga kaa oo lagu shaqaaleysiinaayo Gabdho da’yar oo Soomaali ah.
Wargeyska oo xiganaaya ilo Diplomaasiyiin ka tirsan Dowlada Somalia, ayaa qoray in Heshiiskaasi uu dhigaayo in Dowlada Somalia ay Sacuudiga ku wareejin doonto 10-kun oo Gabdho u badan kuwaasi oo laga shaqaaleysiin doono Xarumaha Ganacsiga iyo Guryaha.
Wargeyska oo aan qorin magaca Diblomaasiga ay xogta la wadaagen ayaa sheegay in Heshiiskaasi uu soo gunaanadi doono Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ee Dowladda Somalia oo maalmaha nagu soo fool leh ku wajahan Dalka Sacuudiga si uu usoo saxiixo Heshiiska 10-kun Shaqaalaha ee soo idlaaday.
Dowlada Sacuudiga ayaa u yeertay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda DFS, si uu qalinka ugu duugo in shaqaalo ahaan loo isticmaalikaro Gabdhaha Soomaalida.
Wargeysku waxa uu qoraalkiisu ku xusay in qorista Shaqaalaha Soomaalida uu dhex mari karo keliya Wakaaladaha iyo Shirkadaha Labada Waddan, sida uu dhigayo Shuruudaha ku xusan Heshiiska ay Labada Dowladood wada saxiixdeen.
Bihii October ee sannadkii 2015-kii, Wasaaradda Shaqada ee Sacuudiga waxay albaabadda u furtay inay shaqaale ka soo qortaan Somalia, dhowr bilood kadib, markii ay Sacuudiga u oggolaadeen Dadka ka imaanayo Jabuuti inay ka shaqeysan karaan gudaha Sacuudiga.
Tani waxa ay sahli doontaa in Dowladaha liita ay sameeyan isku day muujinaaya inay ku biiraan kireeya Dumarka Soomaalida ee ka shaqeeya Nadaafada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

